Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i en industrilokal. Giftig rök sprider sig österut mot Giraffens köpcentrum. Alla som befinner sig i området bör bege sig därifrån. Boende i området uppmanas att gå inomhus och stänga dörrar, fönster och ventilation. För mer information lyssna på Sveriges Radio P4 Kalmar.
(Publicerat idag kl 17.16)

Xisbiga MP oo dhaleeceeyey hindise cusub ee siyaasadda cimilada

La daabacay onsdag 22 januari 2014 kl 17.01
Hoggaamiyaha xisbiga Doogga Åsa Romson. Sawirle: Janerik Henriksson/Scanpix.

 

Xisbiga Doogga ayaa golaha Midowga Yurub dhaleeceyn ugu jeediyey hindise uu maanta ka soo saaray siyaasad cusub oo ku saabsan cimilada iyo tamarta. Åsa Romson oo ka mid ah labada hoggaamiye ee xisbiga ayaa si kulul ugu dhaleeceysey Raysalwasaaraha Fredrik Reinfeldt in hoggaamiyanimadiisu ay gaabisey oo horseedday in hindisahaani noqdo mid daciif ah.

Si looga soo baxo waajibaadka ah in uusan kuleylka cimilada adduunku dhaafin laba garaaddo, waxaa khasab ah in qashinka Midowga Yurub hawada ku siidaayo hoos loogu dhigo boqolkiiba 60 ilaa sannadka 2030. Laakiin maanta ayuu golaha Midowga Yurub soo bandhigay hindise ah in boqolkiiba 40 hoos loo dhigo, taas oo uu xisbiga Dooggu u arko mid halis gelineysa hawsha adduunku ugu jiro badbaadinta cimilada.

Intii aan go’aanka la gaarin ayey siddeed dal oo ay ka mid yihiin Jarmalka iyo Faransiisku golaha Midowga Yurub u direen warqad wadajir ah ay ku qoran tahay dalab aad u sarreeya. Balse Iswiidhen bannaanka ayey iska taagtey, sida uu xisbiga MP u arko.

Isha: MP

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".