Sawirle: Saul Loeb/TT

Dood ka taagan hindisaha hadafka cimilada ee golaha EU soo bandhigay

Hindisaha Golaha Midowga Yurub oo ku saabsan hadaf cusub oo xagga cimilada oo la tiigsan doono sannadka 2030 ayey ku cadddahay in naqaska gaaska ee ay dalalka Midowga Yurub hawada ku siideeyaan la dhimo boqolkiiba 40 marka la barbardhigo heerkii 1990, iyo in boqolkiiba 27 hoos loo dhigo tamarta la isticmaalo 15ka sano ee nagu soo socda.

Laakiin waddan waliba xor ayuu u yahay in uu dejiyo qorshihiisa qaran ama haddii uusan dooneyn in uu isticmaalo tamarta la cusbooneysiin karo. Hadafyada hindisahaan lagu bandhigeyna ma ahan kuwo u dhigma kuwii uu Midowga Yurub ugu dejiyey in la gaaro sannadka 2020, kuwaas oo labadaan hadaf ka sokow ay ka mid ahayd hadaf ah in tamar wax ku ool ah la soo saaro.

Bisha maarso ee soo socota ayey wasiirada iyo madaxda dalalka Midowga Yurub go’aamin doonaan qaabka kama dambeysta ah ee cimilada. Waxayna qayb muhiim ah ka noqon doontaa wadahadalada cimilada oo uu sannadka dambe qabanqaabin doono ururka Qaramada Midoobey. Ururka Midowga Yurub wuxuu khatar ugu jiraa in kalsoonida loo hayo ay halkaas uga lunto haddii lagu guuldarreysto hindisaha cimilada oo hadda la qabanqaabinayo.

Dowladda ayaan weli go’aan ka gaarin haddii ay dooneyso hirgelinta saddexdaas hadaf ee Midowga Yurub ama haddii kale.

Isha: TT, Ekot, EU-upplysningen

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".