Anders Knape, hoggaamiyaha ururka SKL. Sawirle: Hedvig Nilsson/Sveriges Radio.

Xoog iyo hanjabaad lagu la kaco siyaasiinta degmooyinka

Waqtiyadii sambe waxaa soo badanayey handadaadda iyo xoogga lagu la kaco siyaasiinta ka hawlgala degmooyinka dalka. Saddexdii degmo mid ayaan lahayn hab looga hortago xoogga iyo hanjabaadda lala beegsado siyaasiinta.  Isla markaasna waxaa dhibaatooyin loo geystey siyaasiinta ka hawlgala ugu tobankii degmo shan ka mid. Sidaasna waxaa qoray wargeyska Dagens Nyheter.

Andres Knape oo hoggaamiyaha ururka degmooyinka iyo gobolada Iswiidhen oo loo soo gaabiyo SKL ayaa aamminsan in aysan taasi khatar ku tahay hannaanka dimoqraadiyadda.

Sannaadkaan 2014 oo doorasho ballaaran la qaban doono waxaa soo kordhaaya xoogga iyo hanjabaadda ku wajahan siyaasiinta dalka. Waxaa doodaha siyaasadda lagu soo qaadaa arrimo is-maandhaaf dhalin kara oo ay siyaasiintu ka dhexmuuqdaan ololaha doorashada baarlamaanka Midowga Yurub, baarlamaanka Iswiidhen iyo golayaasha degmooyinka iyo gobolada dalka.

Ururka SKL ayaa hadda bilaabaya olole bilaabanaya xilliga gu’ga ee sannadkaan oo lagu doonayo in kor loogu qaado arrimaha ammaanka siyaasiinta degmooyinka. Waxaana lagu talajiraa in kulan ololahaas ku saabsan oo la qaban doono lagu casumi doono xisbiyada siyaasadda iyo hay’adda boliiska qaranka.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".