Kooxda xeegada barafka Soomaaliya iyo tababarahooda Per Fosshaug. Sawirle: Martin Eriksson / Sveriges Radio

Kooxda xeegada barafka ee Soomaaliya oo dhowaan u duulaya dalka Ruushka

Kooxda wiilasha ee xeegada barafka mataleysa Soomaaliya ayaa maalinta foodda nagu haysa u dhoofi doona dalka Ruushka oo ay kaga qaybgelayaan tartanka adduunka ee xeegada barafka oo halkaas bilaaban doona toddobaadka dambe.

Kooxda Soomaalida oo fadhigoodu yahay degmada Borlänge ayaa muddo laga welwelsanaa in ay cayaarahaas ka qaybgeli doonaan. Taasina waxay ka dambeysey kadib markii ay hay’adaha Ruushku diideen in ay fiise siiyaan kooxda Soomaalida, maadaama aysan haysan baasaboor la aqoonsan yahay. Kadibna waxaa arrintaas soo dhexgalay oo soo dhammeeyey ururka isboortiga Ruushka, oo sidaas ayey kooxda Soomaalidu dhowaan ugu kicitimi doontaa dalka Ruushka.

Isha: SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".