Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Wasiirka Arrimaha Dibedda Carl Bildt. Sawirle: Bertil Enevåg Ericson/TT.

Wasiirka arrimaha dibedda Carl Bildt oo ka hadlay xaaladda Ukraa’iina

Wasiirka arrimaha dibedda Iswiidhen Carl Bildt ayaa ka hadlay xaaladda hadda ka taagan dalka Ukraaiina, oo shalaydii ugu dambeysey ayey magaalada Kiev isku herdiyeen ciidaamada ammaanka iyo dad badan oo mucaarad ah, halkaas oo lagu dilay shan qof, boqolaalna lagu dhaawacay.

- Xaalddu waa mid aad u carkagan oo ay sababtay go’aan la’aanta madaxweynaha oo ka dhalatay cadaadiska Ruushku kaga hayo in Ukraa’iina aysan hirgelin hawlaha dimoqraadiyadda iyo in aysan ku dhowaan Midowga Yurub, iyo dadweynaha oo si xooggan arrintaas uga muujiyey dareenkooda. Sidaasna waxaa wareysi ka sheegay Carl Bildt isagoo ku sugan dalka Iswiiserland.

Waqtiyadii dambe waxay halkaas kooxaha mucaaradku ka dhigayeen bannaanbaxyo looga soo horjeedo siyaasadda dowladda.

Carl Bildt wuxuu ka biyadiidey in cunaqabateyn lagu rogo dalka Ukraa’iina maadaama ay waxyeeleyn karto shacabka dalkaas, balse wuxuu ka dhawaajiyey in Midowga Yurub isla eegi doono sidii cunaqabateyn gaar ah loogu rogi lahaa shakhsiyaad dowladda ka tirsan. Wuxuu intaas ku daray in la sii wadi doono in la taageero isbeddel dalkaas ka dhaca.

Isha: SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".