Kaarka wadidda baabuurta. Sawirle: Transportstyrelsen.

Waqtiga sugitaanka imtixaannada shatiga baabuur-wadidda oo la soo gaabinayo

Dowladda ayaa go’aan ku gaartey in wakaaladda gaadiidka iyo waddooyinku ay baaritaan ku sameyso haddii ay jiraan shuruudo lagu dhimi karo waqtiyada la sugo imtixaannada loo galo shatiga ama batantaha lagu wado baabuurta.

Waqtigaan xaadirka ah waxaa aad u dheer waqtiga la sugo imtixaannada lagu qaato shatiga baabuur-wadidda oo xilliga kuleylaha dad badani ay doonayaan in ay qaataan. Sidaas awgeed ayey dowladdu hadda dooneysa in ay wakaaladda gaadiidka iyo waddooyinku si dhab ah u eegto sida lagu yareyn karo waqtiyada sugitaanka iyadoo ka abbaqaadaya baahidasannad walba loo qabo shatiga baabuur-wadidda.

Natiijada baaritaankaanna waxaa wasaaradda ganacsiga loo soo bandhigayaa ugu dambeyn 15ka maarso ee 2014.

Isha: Näringsdepartamentet

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".