Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Doorashada EU oo markii ugu horreysey lagu qaban doono dugsiyada dalka

La daabacay torsdag 23 januari 2014 kl 13.54
Codbixin horay loogu qabtay dugsiga sare ee Östra gymnasiet. Sawirle: Peter Öberg/SR Västerbotten.

Ardayda dhigata fasalada toddobaad, siddeedaad iyo sagaalaad ee dugsiyada dhexe iyo kuwa dugsiyada sare ayaa markii ugu horreysey tijaabo ahaan uga qaybgelaya doorashada Midowga Yurub.

Doorashooyinka noocaan oo kale horey loogu qaban jirey dugsiyada dalka waxay khuseeyeen oo qura doorashada baarlamaanka Iswiidhen, laakiin sannadkaanna waxay ardayda dugsiyadu ka qaybgelayaan doorashada baarlamaanka Midowga Yurub.

Dowladda ayaana cid u xilsaartay qabanqaabada doorashada, laakiin dugsi waliba xor ayuu u yahay in uu go’aansado ka qaybgalka doorashadaan.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".