Dhul kayn ah.Foto Scanpix

Sicirka dhulka kaymaha ah oo hoos u sii dhacaya

Sida laga soo xigtey shirkadda dillaaleyda ee LRF Konsult wuxuu sicirka dhulka kaymaha ee dalku qiyaas ahaan hoos ugu dhacay boqolkiiba toddobo intii lagu gudajirey sannadkii 2013. Sidaasna waxaa qortay wakaaladda wararka ee TT.

Gobolada waqooyi wuxuu sicirka dhulka kaymaleyda ahi hoos ugu dhacay boqolkiiba 12, sida laga soo xigtay Markus Helin oo madax sare ka ah shirkadda LRF Konsult oo ah shirkadda ugu weyn dalka marka laga hadlayo hantida kaymaha iyo dhulka beeraha. Hoos u dhaca sicirka dhulka kaymaha ah ee koonfurta iyo bartamaha Iswiidhen wuxuu ku istaagay boqolkiiba shan.

Shirkadda LRF Konsult waxay sicirkaas hoos u dhacay u aaneyneysaa xaaladda dhaqaalaha dalka oo liidatey, gaar ahaan alwaaxda diyaarsan oo ah ilaha ugu weyn oo dakhliga kaymuhu ka yimaado.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".