Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Miraha Lingon oo waxtar weyn u yeelan kara la dagaalanka cayilka

La daabacay torsdag 23 januari 2014 kl 16.08
Sawirle: Anne Marchal/ Sveriges Radio

Haddii miraha Lingon la la cuno cunto dufanku ku badan yahay, waxay mirahaasi ka hortegi karaan saameynta xun oo uu dufankaasi ku yeelan karo jirka ruux, sidaa miisaankiisa oo kor u kaca, sonkorta iyo xayrta dhiiggiisa ku jirta oo sare u kacda. Sidaasna waxaa soo werisey idaacadda Ekot.

Natiijadaan waxaa lagu muujiyey daraasad laga sameeyey jaamacadda Lund, halkaas oo ay dad culumo ahi isticmaaleen nooc jiirka ama doolliga ka mid ah oo ah noocyada dhaqso u cayila, laguna xasuusan karo dadka cayilan oo khatarta ugu sugan in cudurka sonkortu ku dhaco.

Doolliyaashaas ayaa loo qaybiyey laba kooxood oo la kala siiyey miro kala geddisan. Kooxdii cuntay miraha Lingon ayaa muujisey natiijada ugu wanaagsan saddex bilood kadib.

Dadkaan culumada ahi waxay ku talajiraan in ay si dhow u baaraan saameynta miraha Lingon iyo haddii ay mustaqbalka suurtagal noqon karto in lagu tijaabiyo dadka.

Isha:  Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".