Dhismaha GT oo fagaaraha Kungstorget ee bartamaha Göteborg oo boliisku xiray. Sawirle: Lasse Nilsson/SR

Boliiska oo go’aamiyey in laga baxo dhismaha wargeyska GT

Wargeyska Göteborgs Tidning (GT) oo ka soo baxa magaalada Göteborg ayaa boggiisa Internet ku qoray in la banneeyo qaybta soosaarka oo ku ag taal fagaaraha Kungstorget, kadib markii baako aan waxa ku jira la aqoon looga tegey xafiiska soodhoweynta.

Waxay maanta duhurkii markii ay saacaddu kowdii markii halkaas lagu arkay baako ama sanduuq uusan xafiisku lahayn.

Welina lama oga wax ay baakadaasi ka micne tahay, balse ciidanka boliiska ayaa qaaday tallaabo xagga ammaanka oo dadkii bannaanka u saaray kadibna xayndaab ku wareejiyey dhismaha.

Waxaa sidoo kale iyagana laga baxay dhismayaal ku yaalley oo ay ka mid ahaayeen maqaayado, shaneemo iyo laanta wararka ee ay TV4 ku leedahay magaalada Göteborg. Sidaasna waxaa wakaaladda wararka ee TT u sheegay Joakim Fransson oo ah madaxa laanta wararka ee TV4. Xafiiskooduna wuxuu ku dheggan yahay xafiiska wargeyska GT.

Isha: SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista