Sawirle: Kaarina Wallin/Sveriges Radio Sisuradio

Kireynta guryaha isticmaalkooda la iibsado oo fududaan doonta

Wasiirka guryaha Stefan Attefall (KD) ayaa bogga doodaha ee wargeyska Expressen ku qoray in loo baahan yahay in la fududeeyo in la kireyn karo guryaha isticmaalkooda la iibsado ama wax afka iswiidhishka loogu yaqaan bostadsrätt. Halka ay maanta ka tahay sabab macquul ah si loo kireeyo guriga, waxaa ku filaan karta in loo haysto sabab loo kireeyo. Waxay taasi fursad tan hadda ka weyn u siineysaa qofka iibsadey isticmaalka guriga in uu isagu go’aanka kireynta yeesho.

Hindisahaani ayaa ah natiijada hieshiis ay isla gaareen dowladda, shirkadda guryaha ee HSB, Iskaashatooyinka guryaha ee Riksbyggen iyo Bostadsrätterna.

Balse ururada guryaha isticmaalkooda la iibsado waxay xaq u leeyihiin in ay khidmad gaar ka qaataan qofka guriga kireynaya si loogu kabo kharashka ka yimaada maareynta kireynta gacan-labaadka.

Sharcigii horey u jirey wuxuu boqolkiiba 11 ilaa 30 kordhiyey guryaha kirada lagu doonayey oo ku yaalley magaalooyinka Uppsala, Malmö, Stockholm iyo Lund, ayuu sheegay Stefan Atefall.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".