Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Göran Lindberg. Sawirle: TT

Taliyihii hore ee boliiska Göran Lindberg oo xabsiga laga soo deynayo

Maalmaha fasaxa ee foodda nagu soo haya waxaa xabsiga laga soo deyn doonaan Göran Lindberg oo horay u ahaa taliye boliis, soona laqay afar sano oo xabsi ah oo loogu xukumay dembiyo kala duwan oo la xiriira galmada. Qabashadii ninkaan ayaa argagax ku abuurtay ciidanka boliiska.

Maalinta sabtida ayaa Lindberg shuruud lagu soo deyn doonaa, maadaama uu soo xirnaa saddex meelood oo lab meelood ciqaabtii lagu xukumay. Waxaa hadda xabsiga looga soo deynayaa maadaama anshax wanaag muujiyey intii uu xabsiga ku jirey. Sidaasna waxaa xaqiijiyey ciidanka asluubta.

Waxay ahayd bishii jannayo ee 2010 markii Johan Lindberg la qabtay isagoo sita boorso ay ka buuxeen alaabooyin badan oo galmada loo isticmaalo, kuna sii socdey la kulanka gabar 14 sano jir ahayd. Intaas kadib waxaa soo ifbaxay in uu kufsaday dumar farabadan, in uu dhiilooyin lacag ka bixiyey iyo in uu isu geeyey dumar iyo rag galmo kala iibsanayey.

Lindberg waa uu qirtay in uu dhillooyin lacag ka bixiyey, balse waa uu diidey in uu galay dembiyada kale oo lagu soo eedeeyey.

Kadib lix sano oo xabsi ah ayaa loogu xukumay dembiyo kala ah kufsi foolxun, kufsi, jirdil, rufiyaanimo iyo dhilla-iibsasho.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".