Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Tomas Tobé (M). Sawirle: Henrik Montgomery/Scanpix

Xisbiga M oo u ololeynaaya sidii loo heli lahaa dugsiyo waxbarasho wanaagsan leh

Wakiilo ka tirsan xisbiga Moderaatka oo uu ugu horreeyo raysalwasaaraha Fredrik Reinfeldt ayaa bisha febraayo booqashooyin ku soo mari doona dugsi ka mid ah dugsiyada ku yaal dhammaan degmooyinka dalka.

Saddex qodob oo aasaasi ah ayaana ahmiyadda koowaad la siinayaa: In arday waliba helo taageerada uu u baahan yahay marka uu u baahan yahay, in arday waliba waqti dheeraad ah u helo la kulanka macallinkiisa iyo in arday waliba xaq u yeesho in uu waxbaro macallin xirfaddiisa aad ugu wanaagsan.

Sida laga soo xigtay afhayeenka arrimaha waxbarashada ee xisbiga Tomas Tobé wuxuu xisbiga Moderaterna doonayaa in uu maalgelin dheeraad ah geliyo dugsiyada si macallimiintu ay u helaan mushaarooyin wanaagsan iyo aqoon-korosi dheeraad ah. Balse inta kharashkaasi le’ekaanayo weli lama soo bandhigin, in kastoo uu xisbigu shirweynihiisii hore uu carrabka ku dhuftay kharash gaaraaya inta u dhexeysa 3 ilaa 5 bilyan oo karoon.

Iswiidhen ayaa sida la wada ogsoon yahay kaalin liidata ka gashay baaritaankii Pisa oo lagu cabbiray waxbarashada dugsiyada. Xisbiyada mucaaradka ayaa taas kadib shaki ka muujiyey siyaasadda waxbarashada dugsiyada ee xisbiyada isbahaysigu wadaan oo ay u arkaan in ay hoos u dhigtay dadaalka ardayda.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".