Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Qaxootiga Iswiidhen soo qaadato oo qowmiyad badan ka kooban

La daabacay fredag 24 januari 2014 kl 14.57
Sawirle: SR

 Qaxootiga Iswiidhen soo qaadatay sannadkaan waxaa ugu badnaa suuriyaan iyo falastiiniyiin ka soo qaxay dalka Suuriya oo tirdaoodu gaareyso 600 oo qof. Sidaasna waxaa laga soo xigtay Hay’adda Socdaalka.

Qowmiyadaha kale oo qaxooti ahaan loo soo qaato waxaa ka mid ah afqaaniyiin, soomaali, eriteriyaan, kongolees iyo kolombiyaan. Waxaa intaas dheer in ay jiraan  500 oo boos oo aan weli cid loo garan balse loogu talagalay markii ay soo gudboonaato xaalad degdeg ah.

Iyadoo sannadkaan lagu talajiro in la soo qaato 1900 oo qaxooti ah oo u dhiganta tiradii sannadkii 2013, ayey Hay’adda socdaalku iyadoo la kaashaneysa dowladda hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobey go’aan ka gaari doonta cidda loo soo qaadanaayo in magangelyo dalka laga siiyo.

Qaxootiga caadiga ah ee iswiidhen magangelyada ka codsada waxaa weli ugu badan qaxootiga ka yimaada Suuriya. Sannadkii 2013 waxaa dalka yimid 16317 oo suuriyaan magangelya-doon ah. Waxaana ku xigey dadka dal-la’aanta ah oo gaaraayey 6921 oo qof oo ka mid ahaayeen falastiiniyiin ka timid dalka Suuriya.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".