Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Turjubaan afqaanistaan ah oo maxkamadda socdaalku siisey sharciga degganaansho joogto ah

La daabacay fredag 24 januari 2014 kl 15.26
Sawirle: Mustafa Najafizada/TT.

Turjubaan u dhashay dalka Afqaanistaan, una turjumi jirey askarta Iswiidhen halkaas u joogta ayaa Iswiidhen laga siiyey sharci degganaan oo joogto ah. Hay’adda socdaalka ayaa horey turjubaankaan codsigiisii diidmo la siisey. Sidaasna waxaa qortay shabakadda wararka ee Medievärlden. 

Maxkamadda socdaalka ayaan raacin go’aankii Hay’adda socdaalku ka gaartey turjubaankaan oo xirfaddiisu tahay suxufi in uusan dalkiisa khatar weyn kala kulmi  karin.

Waxaa lagu qiimeeyey in uu khatar weyn ugu sugan yahay in dhaqdhaqaaqa talibaanku raadsadaan haddii uu dib ugu noqdo dalkiisa hooyo.

Ninkaan ayaa horey turjubaan ugu ahaa ciidanka Iswiidhen ee qaybta ka ah ciidamada ISAF iyo shakhsiyaad badan oo suxufiyiin ah. wuxuu kaloo ka soo shaqeeyey raadiyaha ISAF Radio oo ah mid wadashaqayn la leh dowlaadda Afqaanistaan.

Horay ayaa ninkaan marar badan loogu hanjabay intii uusan ugu dambeystii dalka isaga soo baxsan.

Isha: Medievärlden

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".