Ururka dhallinyarada ee xisbiga Sverigedemokraterna oo loo gaabiyo SDU

Bannaanbax uu soo abaabulay ururka dhallinyarada ee SD oo buuq ka dhashay

Bannaanbax uu ururka dhallinyarada ee xisbiga Sverigedemokraterna oo loo gaabiyo SDU maanta gelinkii dambe ka qabanqaabiyey fagaaraha Medborgarplatsen ee bartamaha Stockholm ayaa u dillaacay buuq iyo isu gooddin dhexmartay iyaga iyo dad bannaanbaxooda ka soo horjeedey oo halkaas ku soo ururay.

Ururka SDU ayaa bannanbaxaas uga soo horjeedey ururka danaha dhallinyarada oo lagu magacaabo, kadib markii uu u diidey lacagta la siiyo ururada, iyadoo sabab looga dhigay in uusan  ururka dhallinyarada xisbiga Sverigedemokraterna salka u hayn hannaan dimoqraadiyad ku dhisan.

Waxaa fagaarahaas isu yimid 100 qof oo ururka SDU oo ay dusha ka ilaalinayaan yihiin ciidamada amniga ayaa halkaas kala kulmay koox ka kooban dad badan oo ka soo horjeedey bannaanbaxooda, kuwaas oo hadba weerar ku soo qaadayey dadkii bannaanbaxa dhigayey.

Waxaa ciidanka boliiska laga soo xigtay in ilaa hadda ”la qabtay laba qof”. Weriyaha wakaaladda wararka ee Tt oo halkaask u sugnaa ayaa ku tilmaamay in ay halkaas ka jirtey jawi buuq badan, laakiin gacan la isu la tegin.

Isha: TT

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".