Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Tiro yar ayaa dareensan iney ammaan yihiin markey gaboobaan

Sawirle: Jessica Gow/Scanpix.

Kontonkii qof oo gabow ah oo ku nool Iswiidhen midkood ayaa dareensan in uu ammaan yahay. Sidaasna waxaa lagu muujiyey baaritaan ay idaacadda telefishanka ee SVT ka sameysey fekerka ay dadka iswiidhishku ka qabaan gabowga iyo xannaanada waayeelka. 

Baaritaanka waxaa lagu weyddiiyey su’aal ah haddii ay u arkaan xarumaha xannaanada waayeelka ay joogaan shaqaale ku filan si loo helo xannaanada asaasiga ah. Tobankii qofba midkood ayaa ku jawaabey in aysan gebi ahaan ama qayb ahaan sidaas dareensaneyn, halka boqolkii qofba midkood uu dareensan yahay in ay sidaas tahay.

Dhanka kale wasiirada arrimaha waayeelka Maria Larsson ayaa SVT u sheegtey in ay aamminsan tahay in dadka iswiidhishku ay qabaan welwel aan loo baahneyn iyadoo fekerkeeda ka cabbireysa baaritaan ay hay’adda gargaarka bulshadu ka sameysey waayeelka deggan xarumaha xannaanada waayeelka.

Isha: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".