Sawirle: Ignat Kozlov/AP/TT.

Shirkadaha kafaaladqaada cayaaraha olimbiga oo ka shiraya xuquuqda aadanaha

Bangiga Nordea, oo ka mid ah shirkadaha kafaaladqaada Guddiga Olimbiga Iswiidhen ayaa isugu yeeray shirkadaha waaweyn oo kafaaladqaada iyo Guddiga Olimbiga Iswiidhen si looga shiro xuquuqda aadanaha iyadoo isha lagu hayo cayaaraha olimbiga qaboobaha oo laba toddobaad kadib ka bilaaban doona magaalada Sotji ee dalka Ruushka.

Tomas Björklund oo ah madaxa bangiga Nordea u qaabbilsan kafaalaqaadidda ayaa rajeynaya in xubnaha shirkaas ka qaybgelayaa ay wadajir u soo saaraan bayaan.

- Waxaan isla eegeeynnaa annaga iyo Guddiga Olimbiga Iswiidhen  sidii aan saameyn ugu yeelan lahayn Guddiga adduunka ee olimbiga oo loo soo gaabiyo IOK, annagoo kala doodeynna arrimaha xuquuqda aadamaha. Wanaagga halkaa ka soo baxaana wuxuu keeni karaa in si dhab ah ay xuquuqda aadanaha qayb muhiim u noqoto marka mustaqbalka laga qabanqaabinaayo cayaaraha olimbiga.

Qoraal ay soo saartay shirkadda Swedwatch ayaa lagu dhaleeceeyey shirkadaha kafaaladqaadka iyo Guddiga Olimbiga Iswiidhen ee SOK in aysan xil iska saarin sidii ay uga hortegi lahaayeen xadgudubyada ku imaan kara xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda hadalka iyo ururada ee cayaaraha olimbiga qaboobaha oo lagu qaban doono magaalada Sotji.

Shirkadaha ugu waaweyn ee kafaaladqaada Guddiga Olimbiga Iswiidhen waxay kala yihiin Vattenfall, ATG iyo Nordea.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista