Wasiirka Arrimaha Dibedda Iswiidhen Carl Bildt (M). Sawirle: Scanpix.

Carl Bildt oo booqasho ku tegi doona dalka Iiraan

Wasiirka arrimaha dibedda Iswiidhen Carl Bildt ayaa booqasho rasmi ah ku tegi doona dalka Iiraan, halkaas oo uu kula kulmi doono wasiirka arrimaha dibedda dalkaas. Wuxuuna rajeynayaa in ay suurtagasho in uu dhaleeceyn u soo jeediyo inta uu halkaask u sugan yahay, balse uu si dhab ah ugu kuurgalo haddii ay Iiraan dhab ka tahay siyaasaddeeda cusub ee furfurnaanta ah oo ay booqashadaani astaan u tahay.

Booqashadaani waxay marka koowaad ku saabsan tahay barogaraamka nukliyeerka ee Iiraan. Waxay ahayd bishii sebteember ee sannadkii hore kolkii Iiraan heshiis lagu la galay in joojiso qaybo ka mid ah barogaraamkaas nukliyeerka si dalkaas looga yareeyo cunaqabateynta caalamka ku soo rogey. Heshiiska kadibna waxaa Iiraan booqasho ku tegey wasiirka arrimaha dibedda ee Talyaniga. Waxaa kaloo la hadal hayaa madaxa siyaasadda dibedda ee Midowga Yurub Catherine Ashton ay qorsheyneyso in ay waqti dhow dalkaas booqasho ku tagto.

Waxay u badan tahay in uusan Carl Bildt la kulmin madaxweynaha Iiraan Hassan Rohani laakiin uu rajeynayo in uu halkaas ka soo jeediyo dhaleeceyntii ay Iswiidhen horey ugu soo jeedisey Iiraan.

- Waxaa noo bilowdey wadaxaajood ku saabsan xuquuqda aadanaha, halkaas oo aan la soo qaadeyneynno arrimaha ugu muhiimsan. Waana arrin ay Iiraan dhankeeda xog ogaal u tahay.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".