Sawirle: Fredrik Persson/Scanpix.

Hindise cusub ee EU oo lagu soo bandhigayo waxtarka daawooyinka

Sida ku qoran hindise sharci cusub waxaa dhowaan khasab noqon doona in shirkadaha daawoooyinku ay natiijooyinka daraasadda daawooyinka ku soo bandhigaan kayd internet oo dadweynaha u furan. Baarlamaanka iyo golaha wasiirada Midowga Yurub ayaa ku heshiiyey hindise sharci cusub oo la filayo in la ansaxiyo bisha abriil.

Ujeeddada laga leeyahay ayaa ah in ay fududaato in la sameeyo cilmi-baaris, iyo shirkadaha iyo culumadaba fursad loo siiyo in ay dib u eegi karaan daraasooyinka ay horay u soo sameeyeen iyo natiijooyinka ka soo baxay.

Isha: TT, Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".