Sawirle: TT

Shantii waayeel ahba mid ayaa bil gudaheed dhinta marka la keeno xarumaha xannaanada

Daraasad cusub oo ay soo saartay hay’adda gargaarka bulshadu waxaa lagu muujiyey in dadka waayeelka ah oo da’doodu tahay 80 sano iyo ka kor oo ku nool xarumaha gaarka ah ee xannaanada waayeelka ay isa soo dhimayaan. Sannadkii 2000 boqolkiiba 21 ayaa bulshada iswiidhishka ka ahaa dadka da’doodu ka sarreyso 80 sano oo lagu xannaaneeyo xarumo gaar ah ee waayeelka. Sannadkii 2012 waxay tiradaasi hoos ugu dhacday boqolkiiba 14.

Waxaa daraasad cusub oo Stockholm laga sameeyey lagu muujiyey in qaar badan oo ka mid ah dadka waayeelka ah oo xarumahaas boos ka hela aysan waqti dheer noolaan. Sannadkii 2012 shantii qof oo xarumahaas soo degaba mid ayaa ku geeriyooda bil gudaheed. Waxaana sababta loo maleynayaa in ay tahay in marka ay dadkaasi boos ka helaan xarumahaas ay badanaaba aad gabow u yihiin, ama dhimirka la’ yihiin ama xanuunno badan qabaan.

Isha: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".