Sawirle: Russel A. Daniels/TT.

Shirkadaha Ericsson iyo Samsung oo ka heshiiyey khilaaf lahaansho

Shirkadda qalabka isgaarsiinta ee Ericsson iyo dhiggeeda Samsung oo koonfurta Kuuriya laga leeyahay ayaa heshiis ka gaarey khilaaf muddo soo jiitamayey oo ku saabsan lahaanshaha xuquuqda badeecad.

Shirkadda Samsung ayaa khidmad ay ka bixin doonto shatiga siineysa shirkadda Ericsson, taasina waxay tatiijo wanaagsan toos ugu yeelaneysa wax soosaarka shirkadda.

Dagaalkaan u dhexeeyey Ericsson iyo Samsung ayaa soo jiitamayey sanooyin badan. Shirkadda Ericsson ayaa dooneysa in lacag laga siiyo farsamadeeda loo isticmaalo isku xirka xiriirka ka dhexeeya telefoonada iyo xarumaha isgaarsiinta. Waxaa sancadaas ka mid ah mid la isticmaalo marka baabuur la wado si uusan hadalku kaaga go’in. Shirkadda Samsung ayaa iyadu u aragtey in lacagta Ericsson ay dalbeysey in laga siiyo aysan macquul ahayn.

Isla markii ay wararkaani soo shaacbaxeen waxaa kor u kacay qiimaha Ericsson ee suuqa lacagta ee Stockholm. Markii ay toban daqiiqo ka soo wareegtay furitaanka suuqa lacagtu waxay saamiyada shirkaddu kor u kaceen in kor dhaaftay boqolkiiba labo.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".