Astaanta wakiilka dowladda u qaabbilsan ilaalinta sharciyada. Wakiilka Anna Skarhed. Saqwirqaabeyn: SR

Wakiilka dowladda ee sharci-dhawrista oo baaritaan ku sameynaya muusig dad lagu haaraamayo

Wakiilka dowladda ee sharci-dhawrista ayaa waqti ka hor bilaabay baaritaan hordhac ah oo lagu sameynayo laba ka mid ah shabakadaha internet oo muusigga lagu iibiyo kadib markii ay iibiyeen muusig dad-faquuq ah. baaritaankaan ayaa ku saabsan haaraamid lagu la kacat dad bulshada ka tirsan iyo khalkhal-gelin dimoqraadiyadda, waa sida uu qabo Wakiilka dowladda ee sharci-dhawristu.

Hees lagu magacaabo "Världskrig" (”dagaalka dunida”) ayaa ka mid ah heesaha ka gudbey xadka u yaal xorriyadda hadalka. Sidaasna waxaa qabta Wakiilka dowladda ee sharci-dhawrista Anna Skarhed. Waana muusiiggaas lagu iibinayo mid ka mid ah boggaga internet kan hadda baaritaanka lagu sameynayo. Waxaa halkaask u jira sawiro iyo astaamo, iyo weliba halkudhegyo looga hadlayo yhuudda, muslimiinta, iyo in uu Hitler ku saxsanaa tallaabadii uu qaadey.

Isha: Kulturnyheterna

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".