Maxkamadda Degmada Göteborg. Sawirle: Adam Ihse/TT

Nin caddeyn la’aan laga siidaayey dacwad kufsi ah

Maxkamadda degmada Göteborg ayaa garatay in gabar 21-sano jir ah oo dhiiggeeda laga alkolo badan ay ku sugneyd xaalad nugul.

Sidaas oo ay tahay ayey haddana maxkamaddu ka siideysey nin 46-sano jir ah oo lagu tuhunsanaa in uu kufsaday gabadhaas, maadaama aan la caddeyn in uu ninkaasi ”fahansanaa ama ogaa" in ay gabadhaasi sarkhaansaneyd.

Maxkamaddu waxay u aragtay in ay adkeyd in la caddeeyo in uu ninkaas ku talagal u sameeyey kufsigaas, si xukun loo rido.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".