Shaqa-bixiyayaal badan oo dadka shaqadoonka ah ku xira inay nuqul ka keenaan diiwaanka dembiyada. Sawirle: Johan Nordström/Sveriges Radio

Dad badan ayaa lagu xiraa in ay nuqul ka keenaan diiwaanka dembiyada

Waxaa soo badanayey dadka iswiidhishka ah oo codsada in koobbi ama nuqul looga soo saaro diiwaanka lagu kaydiyo dadka dembiyada gala. Muddo toban sano ah ayey tirada nuqulada laga codsado diiwaanka dembiyada ee boliiska gaareen tiro ka badan dhan jibbaar. Sidaasna waxaa qoray wargeyska maalinlaha ah ee Dagens nyheter.

Sababta ay u soo bateen ayaa ah in dad badan oo shaqa-doon ah ay ugu baahan yihiin in ay u geeyaan shaqa-bixiyayaasha, xataa haddii shaqooyinka ay codsanayaan aysan ahayn kuwo looga baahan yahay in nuqul laga keeno diiwaanka dembiyada.

Dowladda ayaa hadda ku talajirta in ay dib u eegto xeerarkaas.

Isha: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".