Sawirle: Bertil Ericson / TT

Tirada kalkaaliyayaasha hoose ee caafimaadka oo aad u soo yaraaday

In kastoo dhakhaatiirka iyo kalkaaliyayaasha sare ee caafimaadka ee ka hawlgala goobaha caafimaadku ay soo bateen 20 sano ee ugu dambeysey ayaa haddana waxaa shaqada ka tegey mid ka mid ah afartii kalkaaliye hoose ee caafimaadka. Taasina waxay waxyeelo u keentay daryeelka dadka bukaanka ah. Waxaa kaloo daraasad lagu muujiyey in ay taasi khatar ku tahay sugidda badbaadada dadka bukaanka.

Sababta ugu weyn oo keentay arrintaan ayaa ah in sare loo qaaday aqoonta shaqaalaha caafimaadka oo sidaas awgeed ayey shaqaale badan oo ahaa kalkaaliyayaal hoose ay u dallaceen kalkaaliyayaal sare. Isla markaasna waxay goobo badan oo daryeelka caafimaadku ku khasbanaadeen in kharashka la dhimo. Waxaa kolkaasna meesha laga saaray shaqaale ay u badnaayeen kalkaaliyayaal hoose.

Isha: SvD

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista