Qareenka Lexbase Pontus Ljunggren. Sawirle: Åsa Stöckel/Sveriges Radio.

Dalab in dastuurka wax laga beddelo kadib dhaqangalka bogga adeegga ee Lexbase

Kadib markii la hirgeliyey bogga cusub ee adeeg-siinta ee lagu magacaabo Lexbase oo suurtagelinaya in halkaas laga warbixino khuseeya dadka dembiyada lagu xukumay, ayey hadda Hay’adda kormeerka macluumaadka dadka rayidka ah dooneysaa in dastuurka dalka dib loogu noqdo.

Maadaama uu boggaan adeeg-siintu haysto ruqsad uu macluumaad ku daabaco, wuxuu hoos imanayaa oo dhawraya xeerka xorriyadda hadalka sida laamaha raadiyayaasha, telefishanada iyo wargeysyada. Sidaas awgeedna uu dhinac marayaa xeerka ilaaliya warbixinaha qofka.

Kristina Svan Starrsjö oo ah agaasimaha guud ee Hay’adda kormeerka macluumaadka dadka rayidka ayaa sheegtay in ay dooneyso in laga hor-istaago adeegyada Lexbase oo kale ahi in ay helaan ruqsad ay wax ku sii fidiyaan.

- Khatar weyn ayaa ka jirta, mar haddii halkaas lagu faafinayo macluumaad badan oo ku saabsan shakhsiyaad horay maxkamado loo horkeenay. Waxaa intaas dheer in aysan waajib ku ahayn cidda ay warbixinahaani gacanta u galaan in ay saxaan warbixinahaas maadaama ay marxaladuhu mar walba isbeddelayaan. Qof horey loo xukumay ayaa meeshii uu degganaa ka guuri kara, oo markaas waxaa dhici kara in marka uu meel cusub soo degaba kawaanka la saaro oo la kashifo.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".