Hoggaamiyaha Sverigedemokraterna Jimmie Åkesson. Arjigii lacagta loogu codsaday ururka haweenka xisbiga. Sawirle: SVT

Xeerilaaliyaha guud oo baaritaan ku furaya xisbiga SD

Xeerilaaliyaha sare ee waaxda dacwooyinka boliiska Anders Jakobsson ayaa hadda baaritaan ku bilaabayaa codsigii uu xisbiga Sverigedemokraterna ururkiisa haweenka ugu dalbaday kaalmada dhaqaale. Sidaasna waxaa lagu daabacay wargeyska Dagens Industri.

Xeerilaliyuhuna wuxuu go’aankiisa ku salaynayaa wararkii uu maanta wargeyska Aftonbladet qoray oo ku saabsanaa in xisbiga Sverigedemokraterna khayaamay lacag gaareysa 1.4 milyan oo karoon oo uu qaatey urur haween oo aan jirin markii codsigaas la soo gudbiyey.

Arrintaanna waxaa gudagelaya waaxda qaranka u qaabbilsan dacwooyinka boliiska maadaama laga yaabo in xildhibaano ay ku lug leeyihiin.

Isha: Desken

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".