Ulf Bjereld. Sawirle: Broderskapsrörelsen/Scanpix.

Caalin culuunta siyaasadda oo hadlay cawaaqibka khayaamada xisbiga SD

Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa sannadkii 2010 deeq dhaqaale ku qaatay urur haween oo uu xisbigu leeyahay oo aan waqtigaas jirin. Xisbigu wuxuu soo gudbiyey baratakool been ah oo ku saabsan shirkii sannadka ee ururka haweenka oo la qabtay bishii agoosto ee 2010, laakiin bogga internet ee ururka haweenka ee xisbiga Sverigedemokraterna waxaa laga akhrisan karaa in shirkii sannadka ee ugu horreeyey uu ururku qabtay bishii Mey ee sannadkii 2011. Sidaas oo ay tahay ayuu hadda Ulf Bjereld oo ah caalin cilmiga siyaasadda u arkaa in cawaaqibka fadeexadaani aysan u baahneyn in ay noqoto mid sidaas u weyn:

- Weli waa waqti hore in wax laga yiraahdo. Cawaaqib ayaa ka iman kara haddii ay wararkaan soo baxay ay wax nuxur ah leeyihiin, ama xisbigu jebiyey xeerarka degsan amase ay xaqiiqo tahay in Jimmie Åkesson qudhiisu uu arjigaas saxiixay. Balse haddii ay muujiso in tahay is-afgaran waa ka dhashay habka xeerarka loo turjumayo, kolkaas waxaan qabaa in ay noqon doonto mid si dhaqso ah u suusha.

Daniel Assai oo horay xisbiga uga ahaa madaxa golaha dhexe ayaa wargeyska Aftonbladet u sheegay sidii ay isaga, hoggaamiyaha xisbiga Jimmie Åkesson iyo afhayeenkii hore arrimaha dhaqaaluhu u sameeyeen arji codsi oo been-abuur ah ugu direen guddiga baarlamaanka deeqaha xisbiyada si deeq dhaqaale loo siiyo ururka haweenka xisbiga oo aan xilligaas jirinba.

Isha: SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".