Hoggaamiyaha xisbiga KD Göran Hägglund.

Wax ka qabadka kooxaha dembiilayaasha oo qayb ka noqonaya ololaha doorashada ee xisbiga KD

Xisbiga Masiixiyiinta dimoqraadiga ah ama Kristdemokraterna ayaa doonaya in doorashada sannadkaan ahmiyadda weyn la siiyo ammaanka bulshada iyo la dagaalanka kooxaha dembiilayaash ah.

Hoggaamiyaha xisbiga Göran Hägglund wuxuu carrabka ku adkeeyey in loo baahan yahay habab cusub oo lagu taageero dadka doonaya in ay ka baxaan ururada ama kooxaha dembiilayaasha ah. Hawlo noocaas ah ayaa maanta jira, laakiin ma ahan kuwo ku filan, ayuu yiri Göran Hägglund.

Hindise oo la soo bandhigay ayaa ah in xaaladaha gaarkood loo oggolaado in qofku si qarsoodi ah uu uga markhaanti-furo maxkamadaha.  Balse dadka fekerkaas ka soo horjeeda ayaa doodaya in uu hindisahaani lid ku yahay qawaaniinta u degsan qaran sharci ku dhisan. Göran Hägglund ayaa tusaale u soo qaatey dalalka Danmark iyo Noorwey oo iyagu horay u hirgeliyey nidaamyo noocaas ah.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".