Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Ururka Amnesty International oo doonaya in dhilleysiga sharci laga dhigo

Sawirle: Tomas Oneborg/TT.

Xoghaynta dhexe ee ururka u dooda xuquuqda aadanaha ee lagu magacaabo Amnesty International kuna yaal magaalada London ayaa ku dhawaaqay in ay doonayaan in dhilleysiga aan dembi laga dhigin.

Balse Elisabeth Löfgren oo xoghaye ka ah laanta Amnesty ku leedahay Iswiidhen ayaa sheegtay in ay ururka Amnesty soo dareeno badan oo arrintaas laga muujiyey, qaarkoodna ay caro yihiin. Waxay intaas ku dartay xubnaha ururka Amnesty qaybtiisa Iswiidhen ay arrintaan ka wadaxaajoon doonaan inta aan go’aan laga gaarin dayrta soo socda, kolkaas oo ururka Amnesty ee Iswiidhen uu mawqif ka qaadan doono arrintaan

– Arrintani waa su’aal ku baahan waqti lagu lafaguro. Hindisahaanina weli waa jiraa, laakiin waa hindise uun, ayey tiri Elisabeth Löfgren.

Dhanka kale wuxuu hindisahaani aad uga careysiiyey ururka iswiidhishka ah ee gargaarka haweenka  oo loo soo gaabiyo ROKS.

– Arrintani waa tallaabo dib loogu noqonayo. Ma ahan wax jirin in qof xaq u yeesho in uu iibsado qof kale jirkiisa. Markaas waxay noqoneysaa in mar haddii uu iibsadey uu wixii uu doonana ku sameyn karo. Taasina ma ahan hawlo qurux badan, ayey tiri Angela Beausang, oo ah guddoomiyaha ururka gargaarka haweenka ee ROKS.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".