Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Xadidda aqoonsiga dadka oo soo kordhay waqtiyadii dambe

La daabacay onsdag 29 januari 2014 kl 09.35
Sawirle: Maja Suslin/TT.

 

Sida boliiska laga xigtay waxaa soo badanaya dadka laga xado warbixinaha aqoonsigooda. Sannadkii la soo dhaafay waxaa warbixinaha aqoonsigooda laga xaday dad tiradoodu gaareyso 100000 oo qof.

Waxaa sidoo kale dad badan oo waayeel ah laga xaday baqshadaha guduudan oo ka warrama lacagaha hawlgabka, ayna ku qoran yihiin warbixino xasaasi ah. Baqshadahaas oo loo xaday in loo isticmaalo in wax lagu khayaamo. Balse ma ahan waayeelka oo qura dadka dhibaatadaani soo gaartey ee waxaa sidoo kale taasi haleeshay dad badan oo dhallinyar. Matalan qof ayaa lacag amaah ah oo gaareysa 180000 oo karoon lagu qaatay magaca Kristina Lazakovich.

Sidaas awgeed ayey hadda shirkadda caymiska ee Folksam ka digeysaa in dadkaas wax khayaamaa ay isticmaali karaa warqadaha guduudan oo ku qoran yihiin warbixinaha qofka iyo lacagta hawlgabku, sannadka bilowgiisana loo diro dadka iswiidhishka.

Isha: SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".