Sawirle: Erik Abel/Scanpix

Sarkaal boliis ah oo dacwad loogu soo oogey inuu qof qalad u masaafuriyey

Sarkaal ka tirsan ciidanka boliiska oo mas'uul ka ahaa tarxiilkii sannadkii hore nin 22 sano jir ah loogu masaafuriyey dalka Ugaandha ayaa hadda dacwad lagu soo oogey isagoo lagu eedeynayo in uu galay gef xil. Sidaasna waxaa soo werisey idaacadda P4 Kronoberg.

Ninkaan ayaa la masaafuriyey iyadoo aysan Hay'adda socdaalku weli arrintiisa ka gaarin wax go'aan ah.

Xeerilaaliyaha ayaa u arka in sarkaalkaan boliiska ahi uu dhayalsaday awooddii loo xilsaaray oo uusan hubin haddii ninkaan la masaafurin lahaa iyo haddii kale.

Sarkaalkaan hadda dacwadda lagu soo oogey ayaa ka hawlgala qaybta shisheeyaha ee boliiska Växjö.

Isha: P4 Kronoberg

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".