Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Safiir Eriteriyaan ah oo sheegay in Dawit Isaak weli nool yahay

La daabacay onsdag 29 januari 2014 kl 10.55
Dawit Isaak. Sawirle: Kalle Ahlsén / TT

Suxufiga iswiidhish-eriteriyaanka ah ee Dawit Isaak, oo muddo laba iyo toban sano ah ku xirna xabsi ku yaal dalka Eriteriya ayaa weli nool. Sidaasna waxaa wargeyska Expressen u sheegay Tesfamariam Tekeste Debbas oo ah safiirka Eriteriya u fadhiya dalka Israa’iil.        

              

"Intaas waa la hadalhayaa, waase warar kutiri kuteen ah. Waa uu fiican yahay”, ayuu yiri safiirku, balse ma uusan dooneyn in uu war intaas dhaafsiisan ka bixiyo.

Dhanka kale Arhe Hamednaca oo ah iswiidhish-eriteriyaan, isla markaas ah xildhibaan xisbiga Sooshiyaal-dimoqraadiga ayaa muujiyey in uusan aaminsaneyn hadalka safiirka ka soo yeerey:

- Safiirada iyo wasiiradu waa kuwo magac uun u taagan, oo arrintaan waxba kama oran karaan. Qofka awoodda ugu sarreysa leh oo arrintaan wax ka oran karaa waa madaxweynaha, kelitaliyaha oo aan cid kale ku wehelin.

Ma waxaad leedahay safiirku arrintaan waxba kama ogaan karo? 

- Anigu ma aamminsani in uu haysto fursad uu ku ogaan karo. 

Waaxda saxaafadda ee wasaaradda arrimaha dibedda ayaa ka gaabsatay in ay faallo ka bixiso hadalka safiirka ama arrintaan gebi ahaanba.

Dawit Isaak ayaa xabsi ku soo jirey ilaa bishii sebteember ee sannadkii 2001. Waxaana Iswiidhen u jooga xaas iyo carruur.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".