Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Iswiidhishka iibsada cuntooyinka dabiiciga loo beero oo soo kordhaya

La daabacay onsdag 29 januari 2014 kl 11.31
Sawirle: Thomas Winje Øijord/Scanpix.

Waxaa soo badanayey dadka iswiidhishka ah oo iibsada cuntooyinka loo beeray hab dabiici ah.

Kadib markii uu ganacsiga cuntooyinka dabiiciga loo beero hoos ugu dhacay sannadkii 2012, ayuu ganacsigoodu kor ugu kacay inta u dhexeysa boqolkiiba  kow iyo toban ilaa laba iyo toban sannadkii 2013. Sidaasna waxaa laga soo xigtay ururka Krav oo qiimeeya cuntooyinka loo beeray habka dabiiciga ah.

Marka la eego shirkadaha waaweyn oo cuntooyinka ka ganacsada, dukaanka Coop ayaa ganacsigeedu kor u kacay in ka badan boqolkiiba 23, halka uu Ica u kacay boqolkiiba 16, shirkadda Axfood in ku dhow boqolkiiba sagaal.

Marka la eego hilbaha xoolaha dabiiciga u daaqa, wuxuu ururka Krav arkay koror u dhexeeya boqolkiiba 15 ilaa 20, in kastoo hilbaha la ganacsi keenay ay ka badnaayeen baahida loo qabey.

Xagga furutooyinka iyo qudaarta waxaa adkeyd in la helo cadddad dabiici loo beeray oo suuqyada kaafiyi kara.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".