Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Shaqooyinka mustaqbalka: Macallimiinta dugsiyada barbaarinta iyo farsama-yaqaanada gawaarida waaweyn

La daabacay onsdag 29 januari 2014 kl 13.08
Farsama-yaqaan ama makaanig - shaqo mustaqbal. Sawirle: Anna-Karin Lampou/Sveriges Radio

Suuqa shaqada ayaa marba marka ka dambeysa u sii qaybsamaya laba qaybood, qayb ay u fududahay in ay shaqooyin helaan iyo qayb ay ku adag tahay. Sidaasna xafiiska shaqada ayaa qoraal cusub ku soo bandhigay.

Xirfadaha ay mustaqbalka fududaan doonto in shaqo lagu helo waxaa ka mid ah macallimiinta dugsiyada barbaarinta, injiyeerada macdan-qodidda iyo farsama-yaqaanada gawaarida waaweyn.

Dhanka kale waxay inay shaqooyin helaan ku adkaan doontaa dadka ku shaqeeya waardiyenimada, shaqaalaha xannaanada carruurta, shaqaalaha daryeelka iyo shaqaalaha nadaafadda – halkaas oo tirada dadka raadinayaa ay xad-dhaaf noqon doonto.

Haddaba si fursad wanaagsan loogu helo shaqooyinka mustaqbalka, waxaa habboon in la doorto tacliimaha ay ka mid yihiin qaybaha farsamada, dhakhtarnimada iyo takhasuska laamaha caafimaadka, qayb badan oo macallinimada ka mid ah iyo shaqooyinka la xiriira dhisidda. Sidaasna waxaa lga soo xigtay xafiiska shaqada.

Ugu horreyntii waxaa muhiim ah in la sameysto waxbarasho dugsi sare, ayuu Håkan Gustavsson, oo baare ka ah Xafiiska shaqada:

- Shaqa-bixiyayaasha badankood waxay dadka shaqa-doonka ah ku xiraan in ay haystaan waxbarasho dugsi sare. Farqi ayaana dhex jira shaqooyinka ay ka jiraan fursado wanaagsan in la helo iyo shaqooyinka fursadaha helitaankoodu liito. Kaasina wuxuu ahaa Håkan Gustavsson oo baare ka ah Xafiiska shaqada oo ay wareysi la yeelatay idaacadda Ekot.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".