Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

In dadka loo qoro daawooyinka antibiyootikada oo yaraaday

Sawirle (sawir kayd ah): Håkan Lindgren/ Nyhetsbyrån-TT

Saddex nooc oo ka mid ah bakteeriyada oo looga cabsiqabo in ay adkeysi u yeeshaan antibiyootikada ayey hadda Hay’adda caafimaadka dadweynuhu dusha ka ilaalineysaa. Sidaasna waxaa maanta qoray wargeyska Svenska Dagbladet. Noocyada bakteeriyada laga hadlaayo waxay kala yihiin laba nooc oo sababi kara caallir ku dhaca sambabada iyo hal nooc oo horseedi kara shuban.

Waqtigaan xaadirka ah waxaa jira shan nooc oo bakteeriyo oo adkeysi leh, waxaana Iswiidhen ku soo kordhay dadka ay ku dhacdo, sida laga soo xigtay Hay’adda caafimaadka dadweynaha.

Sidaas oo ay tahay ayey haddana daawooyinka antibiyootikada oo la isu qoro is dhimeen sannadkii hore boqolkiiba siddeed marka la barbardhigo sannadkii ka horreeyey. Is-dhimidda qoritaanka daawooyinkaasna waxaa laga dareemayey dhammaan gobolada dalka, sida uu sheegay Mats Erntell, oo ah dhakhtar ka hortagga cudurada faafa, isla markaasna guddoomiye ka Guddiga Strama oo ka shaqeeya sidii looga hortegi lahaa in bakteeriyadu adkeysi u yeelato antibiyootikada:

- Marka ay dhammaan maamulada goboladu sidaas u dhimaan qoritaanka antibiyootikada, waxaan u arkaa in uu soo yaraanaayo qoritaanka faraha badnaa oo ay jirey dalkoo dhan. Taas oo keeneysa in aan meesha ka saarno afar meelood oo meel qoritaanka daawooyinkaas antibiyootikada ah.

Dhimista isticmaalka antibiyootikada waxaa loo arkaa hab lagu joojinayo in bakteeriyooyinku ay noqdaan kuwo adkeysi badan.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".