Sawirle: Bertrand Langlois/Scanpix.

Dareen kulul oo laga muujiyey hindisihii in sharci laga dhigo dhilleysiga

Ururka Amnesty laantiisa Iswiidhen oo heshay dareemo caro ku dheehan tahay oo laga muujiyey hindisihii ay soo jeedisey xoghaynta Amnesty International oo fadhigeedu yahay magaalada London, kuna saabsanaa in aan dembi laga  dhigin dhilleysiga. Sidaasna waxaa idaacadda SR International u sheegtay Elisabeth Löfgren oo xoghaye arrimaha saxaafadda ka ah Amnesty International laanteeda Iswiidhen:

- Waxaa nala soo xiriirey dad badan oo arrintaan caro iyo welwel ka muujiyey. Waxaana isku dayney inaan u sheegno in ay iyagu yihiin dadka go’aanka ka gaaraya arrimaha noocaan oo kale ah maadaama ay yihiin xubnaha ururka.

Dadka hindisahaan dhaleeceynta iyo carada u soo jeediyey ma ahayn xubnaha ururka oo qur ah. ururo badan oo haweenka ayaa sidoo ka dhiidhiyey. Wasiiradda sinnaanta ragga iyo dumarku Maria Arnholm waxay hindisahaan ku tilmaantay "mid aan la fahmi karin".

Hindisahaan ay soo jeedisey xoghaynta Amnesty ee London ayey ku qoran tahay in haddii dhilleysiga sharci laga dhigo ay ”caafimaadka, sinnaanta, ammaanka iyo karaamada qof ahaaneed” ee dadka jirkooda ka ganacsada kor u qaadeyso.

Balse Elisabeth Löfgren oo ka socota Amnesty laanteeda Iswiidhen ayaa carrabka ku adkeysey in ay hindise uun tahay, laakiin marka hore waa in dhammaan laamaha Amnesty ee dunida dacalladeeda ay fekerkooda ka dhiiban doonaan inta aan hindisahaan la ansaxin ama wax laga beddelin amase aanba qashinka lagu dirin.

Laanta Amnesty ee Iswiidhen ayaa go’aan kaga gaari doontaa shirkeeda sannadlaha ah oo la qaban doono gu’ga dhammaadkiisa, ayey tiri Elisabeth Löfgren, oo intaas ku dartay in aan weli wax feker ah laga qaadan arrintaan:

- Hindisahaan waa mid nagu cusub oo aan horay noo soo marin. Waxaan og nahay in waxa laga hadlayaa ay yihiin dad jirkooda ka ganacsada oo ku sugan xaalad adag oo loogu geysto meel ka dhac iyo faraxumeyn. Waxay kaloo ku saabsan tahay xaqa ay u leeyihiin daryeelka caafimaad iyo daaweyn intaba. Mana helaan daryeel looga daaweeyo cudurka HIV iyo cudurada kaloo la isqaadsiiyo. Waana middaas midda la doonaayo in la eego oo ah sida loo caawinaayo dadkaas. Siyaabo kala duwan ayaana loo abbaari karaa, waana taas midda ururku ka wadaxaajoonayo.

Isha: Desken & TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".