Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Sawirle: Per Larsson/TT.

Shabakadda Lexbase oo muranku ka dhashay oo hawlaheeda la joojiyey

Shirkadda Internet ee Bahnhof ayaa joojisey hawlaha shabakadda beryahaan dambe muranku ka taagnaa oo lagu magacaabo Lexbase, oo ah shabakad laga soo dejisan karo warbixinaha dadka iswiidhishka ah oo horay maxkamadi u xukuntay iyadoo laga bixinayo khidmad.

– Siyaasaddayada Bahnhof ayaa ah in aannaan xirin boggag internet haddii la raacayo sharciga Iswiidhen u degsan. Laakiin waxaan boggaga internet xiri karnaa haddii ay muuqato khatar degdeg ah oo soo gaari kartaa cid saddexaad, sida ay hadda farsama-yaqaannada shirkaddu arkeen. Sidaas waxaa yiri Jon Jordås oo isgaarsiinta u qaabbilsan shirkadda Bahnhof.

Sababta loo xiray ayaa ka dhashay weeraro lagu soo qaaday kombiyuutaradeeda, oo ay shakhsiyaad isku dayeen in ay dhexda kala baxaan ah warbixinaha dadka iyo bangiyada ee dadkii halkaas adeegga ka sameysanaayey.

Waxaa la soo weriyey in dad weerar soo qaaday ay gacanta ku dhigeen lambaro aqoonsi, adareesyo, jinsiyadaha dadka iyo meheradahooda, kuwaas hadda ah kuwo cid waliba heli karto.           

                                      

Intii lagu toddobaadkaanna waxaa isa soo tarayey warar sheegaya in qaladaad badan ay ku jireen wararkii lagu faafinayey bogga Lexbase.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".