Dowladda oo dooneysa in ciqaabta dilka laga dhigo xabsi-daayin

Dowladda Iswiidhen ayaa dooneysa in dad badan oo maxkamad loogu taago in ay dil geysteen lagu xukumo xabsi-daayin.

Dowladda ayaana maanta go’aan ka gaareysa haddii arrintaan talo ka bixin loogu gudbinaayo laamaha sharci-dejinta arrintaan ku saabsan in ciqaabta dilka laga dhigo xabsi-daayin "haddii xaaladda dilkaasi ku dhacay ay ahayd mid qallafsan ". Sidaasna waxaa qoray wargeyska Svenska Dagbladet.                   

                                       

Xaalad qallafsan waxaa noqon kara haddii uu dembigaas dilka ahi ahaa mid aad loo soo qorsheeyey ama la dilay iyadoo qofkaas qaraabadiisu ay arkayeen.                         

                                      

Adkaynta sharcigaan waxaa la filayaa in uu dhaqangalo 1da Luulyo ee sannadkaan.

Isha: SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".