Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dowladda oo dooneysa in ay dardar geliso soosaarka koronto bey’adda u wanaagsan

La daabacay torsdag 30 januari 2014 kl 10.38
Qalab ileyska qorraxda koronto ka dhaliya oo ku dhegsan dusha guri ku yaal magaalada Uppsala. Sawirle: Martin Hult / SR Uppland

Si loo kordhiyo soosaarka korontada dabeecadda ama bey’adda u wanaagsan, waxay dowladdu dooneysaa in dadka rayidka ah iyo iskaashatooyinka loo oggolaado in ay canshuurta ka jaraan kharashka uga baxa soosaarka korontada doogga ah ama bey’adda u wanaagsan.

Waxay dowladdu soo jeedineysaa in kharashka canshuurta laga jarayaa uu ahaado ugu badnaan 18000 oo karoon, oo loogu talagalay cidda guriga dushiisa ku dhegsata qalab ileyska qorraxda u beddela koronto ama qalabka dabaysha ka dhaliya koronto.

Sababtaas ayeyna dowladdu u dooneysaa in ay dadka rayidka ah iyo shirkadahaba ku dhiirrigeliso in ay soo saaran koronto wax ku ool ah. Sidaasna waxaa tiri wasiiradda tamarta Anna-Karin Hatt oo hadalkeeda ku dartay:

- Iswiidhen waxaan uga baahannahay in la kordhiyo korontada dib loo isticmaali karo. Waana wax u wanaagsan habka tamarta Iswiidhen. Waxay kaloo u wanaagsan tahay dadka macaamiisha ah in ay iyagu kontarool ku hayaan kharashka uga baxa korontada.

Hindisahaan waxaa maanta loo gudbinayaa guddiga sharci-dejinta. Sharci ahaanna waxaa la filayaa in uu dhaqangalo 1da Luulyo ee sannadkaan.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".