Wasiirka Isdhexgalka Erik Ullenhag (FP) oo dhextaagan suuqa Tensta. Sawirle: Julia Wiraeus/Sveriges Radio.

Go’aankii dowladda oo dadka dhowaan dalka yimid u suurtageliyey inay shaqooyin helaan

Dadka ajnebiga ah oo dhowaan dalka yimid ayey faa’iido ugu jiri doontaa in ay shaqeeyaan.

Dowladda ayaa go’aan ku gaartey in dadka dhowaan dalka yimid oo shaqeeya ay sii qaadan karaan lacagta dheeraadka ah ee ay ku qaataan meeleynta iyo lacagta kaalmada dheeraadka ee kirada oo aan waxba laga goyn sida ay maanta tahay.

Fekerka laga leeyahay go’aankaan ayaa ah in ay faa’iidada weyn ku jirto in la shaqeeyo.

Lacagta dheeraadka ee meeleynta ayaa la siiyaa qof qaata lacagta meeleynta oo carruurta guriga ku haysta. Lacagta dheeraadka ee kirada ayaa la siiyaa qofka waalidka ee carruur keligiis koriya.

Isha: TT, Försäkringskassan

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".