Hoggaamiyaha Xisbiga Dhexe (C) Annie Lööf. Sawirle: Jonas Ekströmer/TT.

Taageerada dadweynaha ee xisbiga C oo heerkii ugu hooseysey gaartey

Xisbiga Dhexe ayaa maanta oo jimce ah isugu imanaya shir gaar ah oo lagu qabanayo magaalada Mlmö, maadaama uusan xisbigu sannadkaan 2014 qabsan shirweynihiisii caadiga ahaa. In kastoo la gudagalay ololihii doorashada sannadkaan ayuu xisbiga Dhexe gaaray natiijadii ugu hooseysey taageerada uu ka helo dadka codka bixiya muddo 35 sano ah.

Xisbiga ayaa bishaan jannaayo helay in xoogaa ka badan boqolkiiba saddex taageerada dadweynaha. Sidaasna waxaa lagu muujiyey cabbiraad ay wadajir u soo saareen wargeyska Dages Nyheter iyo shirkadda Ipsos bishaan jannaayo.

– Xisbiyada Dhexe iyo Masiixityiinta dimoqraadiga ahi waxay laduba aad ugu liitaan arrimaha siyaasadeed ee dadka codbixiyayaasha ah badankood muhiimka u ah. Waxaa intaas dheer in uusan xisbiga Dhexe lahayn hoggaamiye qof ahaan soo jiidan kara codbixiyayaasha. Sidaasna waxaa yiri David Ahlin oo shirkadda Ipsos ka ah madaxa ra’yi-ururinta.

Dhanka kale hoggamiyaha xisbiga Annie Lööf oo wareysi siisey idaacadda P1-Morgon ayaa sheegay in aysan natiijadaasi ahayn mid farxad gelineysa:

– Haddaad taariikhda dib u jallecno, waxaan arkaynnaa in aannaan ku wanaagsanayn tababarka oo aysan natiijadayadu wanaagsaneyn inta lagu dhexjiro ololaha doorashada, balse aan aad ugu wanaagsan fagaxda ugu dambeysa.

Isha: Ekot & DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".