Sawirle: Hasse Holmberg/Scanpix.

Tirada qoysaska carruurta haysta oo guryaha laga saaro oo isa soo dhimeysa

Tirada qoysaska carruurta haysta oo guryaha laga saaray ayaa sannadkaan gaarey tiro ka yar tiradii sannadkii ka horreeyey.

Sannadkii 2013 waxaa bannaanka la dhigay carruur gaareysa 504, taas oo u dhiganta tiro boqolkiiba 11 ka yar tiradii sannadkii ka horreeyey. Waxayna tiradaasi noqoneysaa tiradii ugu hooseysey tan iyo markii ay Hay’adda qaan-ururintu bilowday tirakoobkeeda oo ahayd sannadkii 2008. Sidaasna waxaa soo gudbisey Hay’adda qaan-ururinta ama Kronofogden.

In dadka guryaha laga saarana waxaa boqolkiiba 93 sabab u ah kiradii oo aan la bixin. Celceliska qaamaha kirada oo la isku waxay gaartaa ilaa 16000 oo karoon.

50 dhacdooyinkaas ka mid ahna carruurtu goobjoog ayey ka ahaayeen markii reerka guriga laga saaraayey.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".