Sawirle: Hasse Holmberg/Nyhetsbyrån TT.

Tirada mukulaalduureedka Iswiidhen ku nool oo aad u soo yaraatey

Tirada mukulaalduureedka Iswiidhen ku nool ayaa aad isu soo dhintay. Sidaas awgeed ayey hadda wakaaladda ilaalinta dabeecaddu go’aan ku gaartey in ugaarsiga xilligaan qaboobaha la dhimo.

Bartamaha Iswiidhen oo tirada xayawaankaasi ay aad u yaraatay ayuusan xilligaan qaboobaha wax ugaarsi ahi ka dhici doonin.

Wakaaladda ilaalinta dabeecaddu waxay in xayawaankaasi ku soo yaraadey waqooyiga Iswiidhen sabab uga dhigeysaa ugaarsigiisa oo soo batay, halka ay adag tahay in wax laga sheego xaaladda bartamaha Iswiidhen.

Tirakoob la sameeyey qaboobihii hore waxay mukulaalduureedka dalka ku nool lagu qiyaasay 191 kooxood oo ay kooxdiiba ka kooban tahay inta u dhexeysa 1000 iyo 1400 xubnood. Waxaa taas la barbardhigi karaa sannadkii 2000 ay tirada kooxahaasi ahaayeen 336 oo kooxdiiba ka koobneyd 2000 oo xubnood.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".