Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Khatarta kooxaha islaamiga ah oo xoogga adeegsada oo Iswiidhen ku soo kordhay

La daabacay fredag 31 januari 2014 kl 14.54
Wasiiradda Dimoqraadiyadda Birgitta Ohlsson. Sawirle: Henrik Montgomery/TT.

 

Bulshada iswiidhishka iyo shakhsiyaadkaba waxaa ku soo wajahan khatar uga imaneysa kooxaha islaamiga ah oo diyaarka u ah in ay isticmaalaan xoog. Khatarta ugu weyn waxay ku wajahan tahay shakhsiyaadka loo arko in ay meel uga dhaceen diinta islaamka. Khatartaasi waxay badanaaba ka timaaddaa shakhsiyaadka ka soo noqday dalalka dibedda sida dalka Suuriya, halkaas oo ay uga soo qaybqaateen dagaallo ama ay soo qaateen tababaro dagaalyahanimo. Sidaasna waxaa laga soo xigtay ciidanka nabadsugidda ee Säpo.

Waxaa kaloo la sheegay in baaritaan qaran oo ku saabsan khataraha xagjirnimada loo gudbiyey wasiiradda arrimaha dimoqraadiyadda Birgitta Ohlsson.

Kooxaha qarsoon ee bidixda ayaa weli loo arkaa in ay khatar ku hayaan hannaanka dimoqraadiyadda bulshada, sida ay maanta shir-jaraa’id ku sheegtay Doris Högne Rydheim oo ah baaraha arrintaan. Halka kooxaha awoodda caddaanka lagu sifeeyey in ay khatar si gaar u yihiin shakhsiyaadka oo aysan khatar sidaas u weyn ku ahayn hawlaha bulshada.

Khatar weyn ayaa ka jirta dhaqdhaqaaqyada soo kordhaya ee kooxaha xagjirka ah oo xoogga isticmaala maadaama lagu gudajiro sannadkii doorashada, ayey tiri Doris Högne Rydheim oo hadalkeeda sii wadata:

- Waaya-aragnimo ahaan wuxuu sannadka doorashadu keenaa in su’aalo badani soo ifbaxaan oo halkaas ay ka dhashaan in afkaarta la isku herdiyo. Taasina ay keento in xagjirnimadu sidaas dardar ku gasho si loo muujiyo waxa la taageersan iyo waxa la diiddan yahay.

Wasiiradda arrimaha dimoqraadiyadda ayaa iyaduna sidaas ku waafaqday:

  - Dabcan ciidanka nabadsugiidda iyo boliiskuba aad ayey ugu diyaargaroobeen arrimahaan. Sannadkaan ayaa noqonaya markii ugu horreysey oo dalkeenna isku mar lagu qabto doorashada qaranka iyo tan baarlamaanka Midowga Yurub. Sidaas awgeedna waa iska caddahay in dhaqdhaqaaqyo ay ka dhex socdaan kooxaha xagjirka ah, waana in si dhab ah loogu kuurgalaa arrintaan oo aan la dhayalsan. Sidaasna wasiiradda arrimaha dimoqraadiyadda Birgitta Ohlsson ayaa ku sheegtay wareysi ay siisey idaacadda Ekot.

Qoraalkaan intiisa badan wuxuu ku dhisan yahay qiimeynta ciidanka nabadsugidda.

Isha: TT & Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".