Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Hanjabaadda iyo xoogga macallimiinta loo gesyto oo soo kordhay

Publicerat fredag 31 januari 2014 kl 15.03
Sawirle: Lars Pehrson/Scanpix.

Waxaa maqaal uu qoray wargeyska Svenska Dagbladet lagu sheegay in ay soo kordheen hanjabaadaha iyo xoog-sheegadka loo geysto macallimiin badan oo wax ka dhiga dugsiyo ku dalka qaybihiisa.

Magaalada Stockholm tobankii macallinba mid ayaa sannadkii ugu dambeeyey loo geystey hanjabaad ama gacan loo la tegey. Sidaasna waxaa lagu muujiyey natiijada waraysi lala yeeshay shaqaalaha magaalada Stockholm.

Tiro gaareysa boqolkiiba sagaal shaqaalaha xarumaha waxbarashada ayaa ku jawaabey in ay xaqiiqo tahay in loo geystey hanjabaad ama xoog-sheegad sannadkii ugu dambeeyey.

Intii lagu gudajirey sannadkii 2013 macallimiin tiradoodu gaareyso 245 oo ka hawlgala dalkoo dhan ayaa wakaaladda bey’adda shaqada u diray dacwooyin ay kaga cabanayaan in loo geystey hanjabaadyo iyo xoog-sheegasho ballaaran oo ku kallifta in ay jirro isku qoraan.

Isha: SvD

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".