Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dugsiyo koonfurta Iswiidhen oo loo xiray baraf farabadan awgiis

La daabacay fredag 31 januari 2014 kl 15.21
Sawirle: Adam Ihse/TT.

Degmooyinka badan oo ku yaal koonfurta Iswiidhen ayaa maanta albaabada la isugu laabay dugsiyo baraf badan oo soo daatay awgiis.

Tusaale ahaan magaalooyinka Ystad iyo Trelleborg ee gobolka Skåne ayaa goor hore laga bilaabay in carruurta lagu qaado basas geeya guryahooda.

Waxaa kaloo la weriyey in ay dhaceen tiro shilal baabuur ah.

Waxaa laga digayaa in ay koonfurta Iswiidhen ku soo wajahan yihiin dabaylo baraf wata inta maanta lagu jiro.

Machadka saadaasha hawada ayaa digniinta heerka kiiwaad ka soo saaray qaybo badan oo ka mid xeebaha bari ee dalka, kana digey in ay waddooyinka fuuli doonaan baraf baabuurtu ku qallibmi karto.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".