Carin Jämtin iyo Lena Hallengren oo maanta soo bandhigay hindisaha siyaasadda caafimaadka xisbiga S. Sawirle: Owe Nilsson/TT.

Xisbiga S oo maanta soo bandhigay hindisek u saabsan siyaasaddiisa daryeelka caafimaadka

Xisbiga Sooshiyaal-dimoqraadiga ayaa maanta soo bandhigay siyaasaddiisa caafimaadka iyo daryeelka oo uu doonayo in kaga qaybgalo ololaha doorashada sannadkaan. 

Xisbigu wuxuu gacanta ku sayriyey in isbitaalo badan laga dhigo kuwo gaar loo leeyahay oo laga wareejiyo gacanta dowladda. Wuxuu kaloo xisbigu doonayaa in la mamnuuco in dad ku jira caymisyada gaarka ah laga hormariyo dadka kale marka ay daryeel ugu yimaadaan goobaha daryeelka caafimaadka oo lagu maalgeliyo canshuurta bulshada laga qaado.

Lena Hallengren oo hoggaamineysey koox-hawleedkii xisbiga Sooshiyaal-dimoqraadiga ee qaabbilsan arrimaha daryeelka caafimaadka ayaa tiri:

- Waxaan qabnaa in aan qofna la siin tixgelin gaar ah oo aan ka ahayn xaaladda caafimaadkiisa mar walba oo daryeel la doonanayo.

Wuxuu kaloo xisbigu ku celiyey dalabkiisii ku qornaa hindisihii miisaaniyaddiisa ee deyrtii hore oo ahaa in laba bilyan oo dheeraad lagu maalgeliyo daryeelka caafimaadka. Balse hindisahaan xisbiga ayeysan ku jirin dalab cusub oo lagu meeldhigayo lacag dheeraad, sida ay sheegtay Lena Hallengren:

- Laba bilyan aad ayey uga badan tahay inta ay dowladdu diyaarka u tahay in ay siiso maamulada gobolada si loo sii wado hawlaha goobaha daryeelka caafimaadka.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".