Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Midowga Yurub oo dalbaaya tallaabooyin cusub oo laga qaado musuqmaasuqa

Cecilia Malmström wakiilka Iswiidhen ee Golaha Midowga Yurub. Sawirle: Geert Vanden Wijngaert/Sveriges Radio.

Si loo yareeyo khatar ka iman karta in musuqmaasuq ka dhaco Iswiidhen waxaa loo baahan yahay la kordhiyo kontaroolka lagu sameeyo heshiisyada qandaraasyada ay maamulada degmooyinku la galaan shirkadaha gaarka loo leeyahay. Sidaasna waxaa dalbaaya Ururka Midowga Yurub oo ku soo saaray qoraal maanta oo isniin ah gelinkeeda dambe la soo bandhigi doono.

Laaluush-qaadashada iyo si xun u isticmaalka awoodda ayaa sannad walba waxay Yurub ugu kacaan lacag kor u dhaaftay 1000 bilyan oo karoon, sida laga soo xigtay Golaha Midowga Yurub. In kastoo Iswiidhen lagu tiriyo in ay ka mid tahay dalalka Yurub ugu musuqmaasuqa yar, ayey haddana dhacdooyinkii musuqmaasuqa ee ka dhacay magaalada Göteborg muujinayaan in aysan Iswiidhen ahayn mid aan u nugleyn dhabaatadaas.

Maanta xilliga qadada ayey Cecilia Malmström oo Iswiidhen uga wakiil ah Golaha Midowga Yurub soo bandhigi doontaa qoraal ku saabsan musuqmaasuqa ka jira Yurub oo ah noociisa kii horreeyey. Idaacadda Ekot oo akhrisay qayb ka mid ah qoraalkaas ayaa sheegtay in waxyaalaha uu qoraalkaasi ka kooban yahay ay ka mid yihiin talooyinka ku wajahan 28ka dal oo uu Midowga Yurub ka kooban yahay.

Waxyaalaha Iswiidhen lagu la taliyey waxaa ka mid ah in ay sii xoojiso in dadweynaha loo soo bandhigo dhaqaalaha ay xisbiyada siyaasaddu helaan. Golaha Midowga Yurub wuxuu doonayaa in la fiirsado sidii gebi ahaanba xisbiyada Iswiidhen looga mamnuuci lahaa in ay deeq ka qaataan deeq-bixiyayaal qarsoodi ah.

Sidoo kale waxaa lagu talinayaa in maamulada degmooyinka Iswiidhen ay kordhiyaan kontaroolka lagu hayo heshiisyada qandaraaska oo lala galo shirkadaha gaarka loo leeyahay si looga hortago in laaluush la qaato, iyo in Iswiidhen kordhiso ciqaabta lagu xukumo shirkadaha ku lug yeesha falalka musuqmaasuqa ah ee ka dhaca dalalka ka baxsan Midowga Yurub.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".